Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Shaacisay Ajaanib Laga Helay COVID 19 Iyo Tirada Dhimashada Oo Sii Kordhaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta Sabti ah waxa ay xaqiijisay kiisas cusub oo la xidhiidha cudurka Coronavirus.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Baadhitaanka 48-kii saacadood ee u dambeeyey la sameeyey 150 isla markaana laga helay qaarkood.

Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 28 waa Somaliland halka 1 qof u dhashay Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 10 qofna waa dumar, Da’da Bukaanadan cusub ayaa kala ah sidaan.
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62)

Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65-jir halka qofka kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60-jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay 24-qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this