Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Ma Ka Caawin Kartaa Somaliland Helida Aqoonsigii Ay 29 Sano Sugaysay?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi ayaa waxa uu si rasmi ah u furay 12kii km ee ugu horeeyey oo ahayd wado ganacsi iyo mid gaadiidka waaweyn ay maraan, wadadaas oo loogu talo galay dhulka aan lahayn badda ee Itoobiya ku xidhaysa dakadda Somaliland ee Berbera oo saaran Gacanka Cadmeed ( Gulf of Aden ).

Wado weyn oo isku xidhaysa Addis Ababa iyo Berbera ayaa waxa maalgalisay wadanka Imaaraadka (UAE) iyo Sanduuqa Horumarinta ee Abudhabi ( Abudhabi Fund for Development ),iyada oo ay taas ay dheertahay $442million oo lagu balaadhinaayo dakadda Berbera,iyada oo ay maalgalinteeda wado shirkad kale, ( DP World ).

Wadadaas weyn ayaa ka dhigaysa Berbera xarunta ganacsiga gobolka.Hal darajo oo kaliya ayaa Somaliland waxa suuragal u noqotay in ay gasho ganacsi qaali ah,iyada oo soo jiidatay alaabta la soo dajiyo iyo alaabta la dhoofiyo oo ka badan intii hore,alaabahaas oo loo dhoofinaayo lagana soo dhoofsanayo wadan dariskeeda ah oo ka qanisan kana weyn Somaliland.

Laakiin wadada weyn ee Berbera, ayaa waxa ay si cad u leedahay istiraatiijiyo leh ujeedo kale oo salka u dhigaysa xaqiiq siyaasadeed oo muhiim ah,xaqiiqdaas oo taala dhulka.

Xaqiiqdaas oo ah mid ka dhigaysa Berbera qayb muhiim ka ah isku xidhka dhaqaalaha Itoobiya,iyo sidoo kale dhaqaalaha Somaliland.

Go’aanka ah in Berbera ay lama huraan u tahay Itoobiya ayaa ah wareegto lagu aqoonsanayo Somaliland.Dabcan baarlamaanka Itoobiya war farxad leh uma wado Somalia,siyaasadda oo dhanna lama shaacin karo,laakiin aqoonsiga Somaliland ayaa dabcan ah hadda mid dadban oo aan toos ahayn.

( Dakadda Berbera waxay muhiim u tahay istaraatiijiyadda Itoobiya ee marin u helka bad )

( The Berbera port is important to Ethiopia’s strategic imperative of access to the sea )

Somaliland oo gaadha ictiraaf noocan ah,ayaa waxa ay ahayd mid ay Somaliland waligeed raadinaysay,ilaa hadana ma jirto guul muuqata.Ilaa hadda Itoobiya ama wadan kale Somaliland uma ay aqoonsana si cadaan ah, madaxbanaanida Somaliland,laakiin arintaas ayaa waxa badalaya laba waxyaabood oo kala ah:

1) Dakadda Berbera muhiimada ay u leedahay Itoobiya oo baarlamaanka Itoobiya uu ka hadlay biloowgii June,2020.

2) Xadka ay Somaliland la leedahay Ethiopia oo ay qiimo usii yeeshay wadada ( Berbera Corridor ).

NOTE: Qaybta ugu dambaysa warbixintan waxa aan soo daabacayaa June 6,2020 .Luqadda uu ku soo baxay oo ah ( English ) ayaa aanan soo daabacayn,ilaa ay muhiim u arkaan akhristayaasha inaan soo raaciyo,sababta ayaa ah in dad badan aanay akhriyi karin Ingariiska,ana markaas aan galinayo wakhti dheeraad ah.

NOTE: Hadii aad doonayso inaan soo qoro qaybta labaad ee warbaxintan waa inaad usii gudbisaa qaybtan dadka aanay gaadhin.

Waxa qoray:Peter Fabricius
Source: Daily Maverick

Waxa Turjumay : Ahmed Adam

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this