Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii Al-qaacida Ee Waqooyiga Afrika Oo La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ciidammada Faransiiska ee ku sugan Dalka Maali ayaa dilay Hoggaamiyihii Al-qaacida ee Waqooyiga Afrika, Abdelmalek Droukdel.

Sidaana waxa caddaysay Dawladda Faransiiska oo sheegtay in hawl-galka Ciidammadu ku dileen Hoggaamiyaha Al-qaacida ee Waqooyiga Afrika ay ka qayb-qaateen xulafadooda Gobolkaasi.

Wasiirka ciidammada qalabka sida ee Faransiiska, Florence Parly, ayaa sheegtay in Cabdulmaalik Droukdel lagu dilay howlgal Arbacadii la saameeyay isaga iyo dhowr qof oo ka mid ah dadkii aadka ugu dhawaa.

Cabdilmaalik Droukde waxa uu Al-Qaaciidda u qaabilsanaa waqooyiga Afrika, sidoo kale waxa uu abaanduule u ahaa ururka Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo xidhiidh la leh Al-Qaacida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this