Deeq A. Posted June 6, 2020 Kalfadhiga Mudanayaasha Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida qorshaysan maanta oo Sabtiya ka furmaya Muqdisho. Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna lagu wadaa in uu Khudbaddiisa Dastuuriga ah ka jeediyo Kalfadhiga islamarkaana uu kaga hadlo Arrima kala duwan. Sidoo kale Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga Baarlamanka. Kalfadhigaas ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan Baarlamanka Soomaaliya marka loo eego mudda-xileedkooda rasmiga ah oo ku eg bisha December ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Kalfadhiga Baarlamanka Soomaaliya oo maanta furmaya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites