Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Brazil oo ku hanjabay in uu dalkiisu ka baxayo xubinimada WHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha waddanka Brazil Jair Bolsonaro ayaa ku hanjabay in dalkiisu uu ka baxayo xubinnimada hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Madaxweynaha ayaa hay’adda ku eedeeyay in ay siyaasadeysay ka hor tagga xanuunka COVID-19  kaas oo kiisaska laga helay dalkiisa ay sii kordhayaan.

In kabadan 34,000 oo qof ayaa xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay gudaha dalka Brazil taas oo ka dhigtay wadanka 3-aad oo dadka ugu badan xanuunkan ay dunida oo dhan ugu dhinteen. 

Kiisaska laga helay guud ahaan caalamka ayaa ka batay 6.7 milyan ooxaladood halka dad ku dhaw 400,000 oo qofna ay u dhinteen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Brazil oo ku hanjabay in uu dalkiisu ka baxayo xubinimada WHO appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this