Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo sheegtay in qaraxyo is xigay ku weerartay Ciidamada Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa war ka soo saaray qaraxyo shalay Ciidamada Itoobiya lagula eegtay duleedka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay( Koonfur Galbeed Soomaaliya).

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa sheegtay inn qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo ka baxay degmada Qansaxdheere kuna sii jeeday Bardaale halkaasna khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay ciidamada Itoobiya.

Al-shabaab waxay sheegtay in ay ilaa lix qarax la beegsatay kolonyadaas inkastoo aysan faahfaahin nooca qaraxyada in ay ismiidaamin ahaayeen iyo in ay miino la aasay ahaayeen.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya lagu dilay qaraxyadaas halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay.

Ha yeeshee Taliska Ciidamada Itoobiya ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxyada lala eegtay ciidamadooda iyo sheeshagashada Al-shabaab midna.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo sheegtay in qaraxyo is xigay ku weerartay Ciidamada Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this