Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Qaran oo Dalbatay inay Dalka Ka Dhacdo Doorasho Xor iyo Xalaal Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha xisbiyada qaran oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa waxa ay dalbadeen in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah iyada oo wqtiga ka harsan doorashooyinka qaranka ay ka yaryihiin 8 bilood.

Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran horeyna dalka uga soo noqday madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo guddoomiyay shir ay dhinaca internedka ah ku yeesheen masuuliyiinta madasha, ayaa soo hadal qaaday ahmiyadda ay dalka u leedahay inay ka qabsoomto doorasho xor iyo xalaala ah.

“Madasha Xisbiyada Qaran oo shir xasaasi ah ka  yeelatay xaaladda dalka ayaa isku raacday in lama huraan ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda aan kadib dhicin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay barta facebuugga ee madasha xisbiyada qaran.

Axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa iyagu had iyo jeer farta ku fiiqa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay xilli wali aan la ogeyn nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonta balse madaxda hadda talada heysa ayaa waxa ay ku adkeysanayaan inay dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Dalabkan ka yimid madasha xisbiyada qaran islamarkaana ku aaddan doorashooyinka dalka ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli maanta la filayo inuu furmo kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo wixii markan ka dambeeya xoogga lagu saari doono doorashooyinka qaranka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this