Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Yar oo uu dhalay duuliyihii Jabuuti ee Jeelka Fiidiyowga ka soo diray oo Xabsiga la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabadh uu dhalay duuliyihii Jabuuti ee Jeelka Fiidiyowga ka soo diray oo Xabsiga la dhigay

jabuuti.jpg

Dowladda Jibuuti ayaa la sheegay inay xabsiga dhigtay dhowr qof oo dumar u badan kuwaas oo ka muddaaharaadayay xarigga duuliye hore uga tirsanaa ciiidammada cirka dalkaasi, Fu’aad Yuusuf Cali oo intuu gadooday dib loo soo qabtay.

Muuqaal la sheegay inuu ka soo duubay gudaha xabsiga ayaa qabsaday baraha bulshada.

Askerigan gadooday ayaa sheegay inuu ka baxsaday waxa uu ugu yeeray “caddaalad darro ka jirta ciidanka dhexdiisa.” Qoyskiisa ayaa sheegay inuu Itoobiya weydiistay magangalyo balse muuqaalkan uu ka soo duubay xabsi ku yaalla gudaha Jibuuti ayaa dhaliyay caro ballaaran.

Qoyska duuliyaha xiran ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray Khamiistii ay ku jirta gabar 16 sano jir ah oo uu dhalay duuliyaha iyo seddax gabdhood oo uu abti u yahay.

Lama ogo sababta loo xiray gabdhahan iyo meesha lagu haya toona, dowladda Jibuutina waxa war ah kama soo saarin.

Muuqaallo la sheegay inay yihiin dibadbaxyadii shalay dhacay ayaa la soo dhigay baraha bulshada.

🔴 #Djibouti : des manifestants réclament la libération du lieutenant Fouad #Youssouf Ali qui s'était enfui en #Éthiopie le 27 mars après avoir dénoncé les injustices dans l'armée de son pays. Emprisonné en #Éthiopie, il a été renvoyé de force à #Djibouti. pic.twitter.com/YRYeMUGLAR

— Christophe RIGAUD (@afrikarabia) June 5, 2020

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this