Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 5, 2020 Kooxda Al-Shabaab oo billowday mashruuca ‘carabiyeynta’ Soomaalida Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruucii ay ugu magac dareyn carabiyeenta dadka Soomaaliyeed. Mashruucaan oo bilooyin ka hor ay ku dhawaaqday Al-Shabaab ayey hadda waxay kooxdu sheegtay inay soo saartay dufcaddii ugu horeysay oo ka qalin jabiyey barashada Luuqadda Carabiga. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dufcadaan ay ka qallin jabisay iskuulka lagu barto Luuqadda Carabiga oo ay ka furtay Magaalada Jilib, kaasi oo lagu magacaabo Alxikma . Xafladda qallib jabinta oo u muuqatay mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa ujeedada mashruucaan ku sheegtay inay tahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo barashada Diinta Islaamka, taasi oo barashda luuqadda Carabiga ay sahli karto. Quote Share this post Link to post Share on other sites