Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaan Caanka ah Dhulalka Somalidu degto oo Goor dhaweyd geeriyooday 

Recommended Posts

Deeq A.   
Fannaan Caanka ah Dhulalka Somalida oo Goor dhaweyd geeriyooday 
Fannaan CABDI TAHLIIL Warsame oo geeriyooday

Allaha u naxariistee fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Tahliil Warsame ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib muddo uu ku xanuunsanaa magaalada

 

Xaaladda caafimaad ee Cabdi Tahliil ayaa sii xumaanaysay waayadan danbe, mana jirin daryeel dhammeystiran oo uu ka helay dowladda Soomaaliya.

Cabdi Tahliil Warsame wuxuu safka hore kaga jiray fannaaniinta qiimaha mugga weyn ku dhex leh fanka Soomaalida, heesihii uu ku luuqeeyey waxay kaalimaha ugu sarreeya kaga jiraan dhageysiga keydka suugaanta ee ay isticmaalaan bulshada Soomaalidu.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday. Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhamaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waabari.

Kooxihii kale ee uu Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this