Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Kooxda Al-Shabaab oo billowday mashruuca ‘carabiyeynta’ Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u bilaabay mashruucii ay ugu magac dareyn carabiyeenta dadka Soomaaliyeed.

Mashruucaan oo bilooyin ka hor ay ku dhawaaqday Al-Shabaab ayey hadda waxay kooxdu sheegtay inay soo saartay dufcaddii ugu horeysay oo ka qalin jabiyey barashada Luuqadda Carabiga.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dufcadaan ay ka qallin jabisay iskuulka lagu barto Luuqadda Carabiga oo ay ka furtay Magaalada Jilib, kaasi oo lagu magacaabo Alxikma .

Xafladda qallib jabinta oo u muuqatay mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ujeedada mashruucaan ku sheegtay inay tahay in dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo barashada Diinta Islaamka, taasi oo barashda luuqadda Carabiga ay sahli karto.

carbiyaynta-dadka1.jpg carbiyaynta-dadka3.jpg carbiyaynta-dadka4.jpg carbiyaynta-dadka6.jpg carbiyaynta-dadka7.jpg carbiyaynta-dadka8.jpg carbiyaynta-dadka9.jpg carbiyaynta-dadka10.jpg carbiyaynta-dadka11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this