Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal 36 maalmood qaatey oo loogu jiray hal nin inuu neefsado

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal 36 maalmood qaatey oo loogu jiray hal nin inuu neefsado

  • Mukherjee oo diyaar u ah in isbitaalka laga saaro
Nitaidas Mukherjee waa nin aad looga yaqaanno gobolka Kolkata, wuxuuna ka shaqeeyaa arrimaha bulshada

“Waxaa laga yaabaa inuusan caawa gaarin. Xaaladdiisu si kadis ah ayey aad ugu xumaatay,” sidaas ayey Dr Saswati Sinha ku tiri xaaska nin bukaan ah oo ay telefoonka kula hadleysay xilli ay kusii jeedday isbitaalka, iyadoo markaas sii mareysay waddooyinka lama dagaanka ku yaalla ee magaalada Kolkata, oo dhacda barida dalka Hindiya.

Waxay markaas ahayd habeenkii 11-kii bishii April. Hindiya waxay ku jirtay xayiraad dhinaca dhaqdhaqaaqyada ah, oo looga hortagayay faafitaanka cudurka coronavirus.

Ninka bukaanka ah, oo lagu magacaabo Nitaidas Mukherjee, wuxuu muddo ku dhow labo isbuuc isagoo cudurka Covid-19 la dhibaatoonaya ku jiray Isbitaalka magaalada ee la yiraahdo AMRI, halkaasoo Dr Sinha ay ka shaqeyso.

Fayraska ayaa aad dhulka u dhigay ninkan 52 jirka ah oo ka shaqeyn jiray arrimaha bulshada, wuxuuna leeyahay hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo caawisa dadka hoy la’aanta ah iyo kuwa saboolka ah.

Fiidnimadii ay taariikhdu ahayd 30-kii bishii March ayaa la geeyay Isbitaalka, isagoo ay qandho daran heysay, neefsashaduna dhibeysay.

Markii isbitaalka la geeyay, waxaa la dhigay qeybta lagu daryeelo bukaannada liita, halkaas oo lagula xiray qalabka neefsashada caawiya.

Mukherjee with his wifeMr Mukherjee iyo xaaskiisa, Aparajita

Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale siiyeen dawada uu u qaadan jiray xanuunka macaanka, ama sokorowga, waxayna ka qaadeen baaritaanka Covid-19.

Habeenkii xigayba waxaa la xaqiijiyay in Mr Mukherjee uu qabo cudurka corona.

Wuxuu gaaray heer ay aad ugu sii adkaato neefsashada, oo xitaa la awoodi waayo in kabasho oo biyo ah afka laga siiyo.

Markaas ayaa go’aan lagu gaaray in lagu xiro qalabka neefta siiya dadka ee afka qalaad lagu yiraahdo “ventilator”.

Muddo saddex isbuuc ka badan ayey qaadatay inuu mar kale soo miyirsado, muddo intaas kasii dheerna waxay ku qaadatay inuu ka maarmo qalabka neefta siinayay.

Dad badan oo uu cudurka Covid-19 ku dhacay uma nasiib badneyn sida Mr Mukherjee oo kale.

Qiyaastii afar meelood meel ka mid ah bukaannadii qalabka neefsashada lagu xiray ee magaalada New York waxay geeriyoodeen dhowrkii isbuuc ee ugu horreysay gudahooda, sida lagu muujiyay daraasad dhawaan lasoo saaray.

Saswati SinhaDr Saswati Sinha waxay sheegtay in dadaalkii lagu badbaadinayay Mr Mukherjee uu ahaa khibrad cajiib ah

Daraasad kale oo laga soo saaray Britain ayaa sidoo kale lagu sheegay in bukaannadii Covid-19 ee lagu xiray qalabka neefsashada ay ka dhinteen saddex meelood labo meel oo ka mid ah.

Waxaa kale oo jiray warar sheegayay in qalabka neefsashada caawiya uusan waxba u tarin bukaannada Covid-19.

Intii uu qalabka ku xirnaa Mr Mukherjee waxaa la siinayay dawooyin joojiya shaqada murqaha jirka, si uusan qofka isugu dayin inuu u neefsado si iskiis ah.

Habeen ka mid ah bishii April, xaaladda ninkan ayaa kasii dartay.

Qandhadii heysay ayaa sare usii kacday, garaaca wadnihiisa iyo wareegga dhiiggana way daciifeen. Dabcan ma jirin cid dooneysay inuu geeriyoodo, dhammaan shaqaalihii isbitaalkana waxay u howl galeen sidii ay u caawin lahaayeen.

Markii ay Dr Sinha dib ugu laabatay Isbitaalka, waxay u tagtay dhakhaatiirtii kale oo Mr Mukherjee kula tacaalaya qeybta lagu daryeelo bukaannada halista ah.

Muddo saddex saacadood ah ayey ku qaadatay inay xaaladdiisa kusoo laabato sidii ay ahayd markii hore.

Ms Sinha telefoonkeeda waxaa ka buuxa sawirro laga qaaday howl wadeennadii daweynayay Mr Mukherjee oo aad u wada daallanMs Sinha telefoonkeeda waxaa ka buuxa sawirro laga qaaday howl wadeennadii daweynayay Mr Mukherjee oo aad u wada daallan

“Tani waxay ahayd khibraddii iigu cajiibsaneyd ee isoo martay nolosheyda,” ayey tiri Dr Sinha, oo 21 sano ka shaqeyneysay caafimaadka.

16 sano oo ka mid ah waqtigaas waxay si gaar ah uga howl galeysay qeybta lagu daryeelo bukaannada ay xaaladdoodu liidato.

“Daqiiqad kasta waxaa eegeynay qalabka lagula socdo xaaladdiisa, waxaana hubineynay inuu soo roonaanayo iyo inkale. Waxaan nafteyda ku dhahayay, waan u baahan nahay ninkan, ma dooneyno inuu dhinto. Xilligaas wuxuu ahaa bukaanka kaliya ee qabay Covid-19 ee ku jiray qeybta daryeelka khaaska ah,” ayey tiri.

Ugu dambeyntii, hal bil kaddib markii isbitaalka la geeyay Mr Mukherjee, xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay, wuxuuna muujiyay calaamado caddeynaya inuu ka adkaaday cudurkii.

Mukherjee in ICUMr Mukherjee xaaladdiisu aad bay u xumeyd muddo ku dhow hal bil

Maalin Axad ah ayuu kasoo kacay miyir-beelkii uu ku jiray. Markii ay xaaskiisa kasoo wacday muuqaal, si toos ah uma uusan arki karin.

“Ma garaneynin muuqaal ahaan waxa socday. Indhaha waxba kama arkeynin. Waxaan u jeeday haweeney horteyda taagan, taasoo markii dambe aan ogaaday inay dhakhtaraddeyda ahayd,” ayuu yiri Mr Mukherjee.

Dabayaaqadii bishii April ayey dhakhaatiirtu si tijaabo ah uga fureen qalabka neefsashada, iyagoo eegayay inuu 30 daqiiqo kaligiis neefsan karo. Muddo hal bil ah kaddib, waxay ahayd markii ugu horreysay ee uu iskiis u neefsado.

Cabsi badan ayuu muujinayay markii laga furay qalabka, dhowr jeer ayuuna qeylo dhaan u diray dhakhaatiirta, isagoo u maleynaya inay neefta ku dhagtay.

Mr Mukherjee wuxuu gurigiisa tagay 8 May kaddib markii uu in ka badan hal bil ku jiray isbitaalkaMr Mukherjee wuxuu gurigiisa tagay 8 May kaddib markii uu in ka badan hal bil ku jiray isbitaalka

Markii la gaaray 3-dii bishii May, si buuxda ayaa looga dambiyay qalabka neefsashada, shan maalmood kaddibna waxaa loo diray gurigiisa.

“Runtii wuxuu soo maray xaalad aad u adag. 4 isbuuc ayey heysay qandho daran. kaligiis ma uusan neefsan karin. fayraska ayaa gaarsiiyay heer xun.” ayey tiri Dr Sinha.

Hadda oo uu gurigiisa ku sugan yahay, Mr Mukherjee wuxuu billaabayaa nolol cusub.

Wuxuu mar dhow awooday inuu socdo isagoo aan garabka laga heynin. Xitaa waxaa soo laabanaya qaar ka mid ah xasuustiisa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this