Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay shirkii ay yeesheen xildhibaanada iyo wasiirada beelaha Hawiye?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay shir ay yeesheen wasiirada iyo xildhibaanada kasoo wada jeeda beesha Mogadishu Clan, wuxuuna ajandaha shirka ahaa maqaamka gobolka Banaadir iyo sida laga yeeli karo awood qeybsiga 4.5 ee la sheegay in lagu saleyn doono.

Shirkaan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Senatoro, xildhibaanno iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana xubnaha ugu muhiimsan ee laga dhex arkayay shirka ka mid ahaa wasiirka amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Mogadishu Clan ee taageersan nidaamka hadda jira.

Xubnahii ka qeybgalay shirkii xalay dhacay ayaa waxay ka mideysnaayeen qadiyadda maqaamka Gobolka Banaadir, waxeyna isku raaceen in la raadiyo xaqqa ka maqan dadka gobolka.

Inkastoo ay hal meel wax u wadeen, haddana xubnaha ayaa inyar ku kala aragti duwanaaday in gabi ahaan la celiyo 7-da kursi ee la sheegay in la siinayo gobolka Banaadir maadaama ay tahay wax aan u qalmin dadka dagan halka qaarkoodna aysan saluugin 7-da kursi, balse ay kasoo horjeesteen in lagu qeybsado hanaanka 4.5

Waxey aheyd markii labaad oo ay beelaha Mogadishu Clan qabsadaan shir ay arintaan kaga hadlayaan, balse miisaan culus ayuu lahaa shirkii xalay ka dhacay Hotel Doorbin maadaama ay goob joog ahaayeen dad aad ugu dhaw xukuumadda hadda talada heysa.

Dhamaan dadkii kasoo qeybgalay kulanka waxey muujiyeen wadajir ay kaga soo horjeedaan hadalkii kasoo yeeray gudoomiyaha Guddigii wadajirka ahaa ee loo xilsaaray dhameystirka xeerarka doorashada Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this