Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoos u dhac ballaaran oo ku yimid kiisaska xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoos u dhac ballaaran ayaa ku yimid heerka xanuunka COVID-19 ee degaanada Puntland waxaana maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaya dadka laga helayo xanuunkaas ee ku sugan gudaha Puntland.

Maanta oo Khamiis ah kuna beegan 4 June 2020 waxaa gudaha Puntland cudurka Coronavirus-ka laga helay tiradii ugu yareyd oo ah laba ruux kuwaas oo kala ah nin iyo haween sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xanuunka maanta laga baaray 14 ruux islamarkaan laga helay keliya laba bukaan oo jooga caasimadda Garoowe.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tirada guud ee kiisaska la diiwaan-geliyay ay gaartay 194 qof oo ay ku jiraan 6 dhimasho ah iyo 19 ruux oo ka bogsaday xanuunkaas.

PUNTLAND POST

The post Hoos u dhac ballaaran oo ku yimid kiisaska xanuunka COVID-19 ee degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this