Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi La Qabo In Hubkii Masar Ugu Deeqday Dawladda Soomaaliya Uu Gacanta U Galo Kooxda Alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Waxa isa soo taraya cabsida laga qabo in Hubkii fududaa iyo madaafiicdii dhawaan dawladda Masar ku caawisay dawladda ciidamada Afrika ilaaliyaan ee Soomaaliya uu gacanta u gali karo wakhti kasta kooxda Xarakada Alshabaab taasi oo sidii horeba u dhacday marar badan dawladda Soomaaliya ka hesha hubka iyo dirayska ciidamada oo ay farsamooyin badan ku helaan marka laga tago dagaalada tooska ah ee ay ku furtaan saanadda ciidanka iyo dirayska.

Mid ka mid ah saraakiishii hore ee Nabad sugidda iyo sidroonka Soomaaliya ee NISA oo lagu magacaabo, Korneyl Macow Cabdullaahi Cali ayaa sheegay inay suura-gal tahay in kooxda Al-Shabaab u gacan-galo hubkii ay dhowaan Masar ugu deeqday dawladda Soomaaliya.

Korneyl Macow Cabdillaahi Cali oo wareysi siiyey Idaacadda Shabeelle ayaa tilmaamay in laba hab ay kooxda Al-Shabaab ku heli karaan hubkaasi, sida inay weerar ku qaadaan aag, kadibna ay ciidamada kaga furtaan hubka ama inay ka iibsadaan suuq madow, sida uu hadalka u dhigay taasi dambe oo marar badan hore u dhacday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubkan oo ay ku jiraan kuwo culus uu xad-gudub ku yahay sharciga caalamiga ah iyo sidoo kale cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya taasi oo beesha caalamku walaac weyn ka muujisay.

Korneyl Macow C/laahi Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay hubka fud-fudud ee ay heystaan Al-Shabaab, si ay ugula daagalanto, isagoo sheegay in midka culus loogu talagalay difaaca xuduudaha laga soo galo dalka.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dalka Marsar ay culeys iyo isla-xisaabtan adag kala kulmi doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoowbay gaar ahaan unitka la socodka cuno qabataynta hubka, iyagoona wax ka wey-diin doona hubka aan lala ogeyn ee ay soo gelisay gudaha Soomaaliya taasi oo maalmaha soo socda xog uun laga heli doono tallaabada ay UN tu ka qaadato tallaabadan xad-gudubta ah ee ay Masar samaysay.

Hadalkan sarkaalka sirdoonka dalka Soomaaliya ee hore ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan Mareykanka oo mug weyn ku leh golaha ammaanka uu walaac ka muujiyey hubka ay Dawladda Masar ugu deeqday Soomaaliya oo halis badan u leh amniga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this