Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadiniin Kenyan ah kuna xayiran Soomaaliya oo loo diiday iney galaan wadankooda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Mombasa (Caasimadda Online) Muwaadiniin Kenyan ah oo ku xayiran gudaha Soomaaliya loona diiday iney wadankooda ku laabtaan ayaa u gudbiyay makxmad sare uu ku taala magaalada Mombasa, waxaana la filayaa in maanta la dhageysto.

Muwaadiniintaan waxey tabanayaan in dowladda ay jabisay xeerka xoyiyada dhaq-dhaqaaqa iyo daganaashaha iyagoo cuskanaya dastuurka dalkooda qodobka 39-aad.

Sida laga soo wariyay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha muwaadiniintaan shaqada u joogay Kismaayo waxey ogolaansho ka heysteen xafiiska socdaalka dalkooda.

Walaaca ugu weyn ee heysta wuxuu yahay in laga qaatay baasabooradooda isla markaana loo diiday iney gudaha u galaan wadankooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this