Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo saaka ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal xooggan oo aroornimadii  hore ee saakay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe kaas oo dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalkaas ayaa lagu soo warramayaa in uu ka bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar culus ku soo qaadeen bar-kantarool oo ku taalla dhinaca Galbeed ee degmada Balcad oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in dagaalku uu halkaas ka socday mudda saacad ah islamarkaan la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan hawlgallo ka wada degmada Balcad kadib markii saaka halkaasi dagaalkii ka dhacay dib loo baacsaday Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo saaka ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this