Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xafiisyo wasaaradeed oo ka tirsan DF oo la xiray iyo baaritaano ku socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 10 xafiis oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu dhejiyay warqado digniin ah oo ku saabsan in aan la furi karin ilaa amar dambe kadib markii la sheegay in wasaaraddu uu soo galay tuhun musuq-maasuq.

Caasimada Online ayaa ogaatay in arrintaan ay daba joogto xariga sarkaal ka tirsan wasaaradda warfaafinta iyo xayiraad la saaray saraakiil dhowr ah.

Xafiisyada la xiray ayaa u badan kuwa maaliyadda iyo maamulka, sidoo kale waxaa la xiray xafiisyo ay ku shaqeeyaan saraakiil sare oo la sheegay in ay baaritaano ku socdaan.

Doodda ku saabsan lacagaha maqan ayaa daba jooga lacag ay wasaaradu ku qaadatay baahinta fariimo iyo barnaamijyo la xariira Covid-19, oo shaqsiyaad gaar ah ay jeebka ku shubteen.

Baaritaanka wasaaradda ka socda si weyn loogama dareemin shaqada wasaaradda balse waxay hadal heyn weyn ka abuurtay gudaha shaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore xirtay saraakiil wasaaradeed kuwaas oo ku eedeesnaa musuq Maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne, waxaana hadda ay il gaar ah ku haysaa wasaaradda warfaafinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this