Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaraxii duleedka Muqdisho oo la ogaaday inaysan fulin Al-Shabaab – Yaa ka dambeeyey?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaawo Cabdi ( Caasimadda Online) – Kooxda Daacish ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah Adduunyada ayaa la sheegay inay ka dambeysay qaraxii 31-kii May ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho kaasoo lagu dilay dad badan oo Shacab ah.

Muuqaal ay soo saartay Dowladda Soomaaliya laguna faafiyey warbaahinta Dowladda oo looga hadlayey qaraxaas ayaa waxaa lagu sheegay inay qaraxaas sheegatay Kooxda Daacish, waxaana muuqaalka dhexdiisa lagu arkay qoraal Carabi ku qornaa oo la sheegay inay soo saartay kooxdaas.

Qoraalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda Daacish ay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho ku dishay in ka badan 10 askari oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, balse sida aad wararkeena hore ku akhrisateen waxaa ku dhintay 10 qof oo Shacab ah oo qaarkood ay isku qoys ahaayeen, Sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 15 qof.

Kooxda Al-Shabaab oo inta badan sheegata qaraxyada Muqdisho iyo hareeraheeda ayaan sheegan qaraxan, taasi oo ayideysa sheegashada kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Haddii warka kasoo baxay Dowladda uu sax noqdo, qaraxaan wuxuu noqonayaa midkii ugu khasaaraha badnaa oo ay Daacish sheegato isla markaasna ay ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo fadhigoodu yahay Gobolka Bari ayaan awood badan ku lahayn Koonfurta dalka, iyagoo dagaal kala dhaxeeyo Alshabaab iyo dowladda Federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this