Deeq A. Posted June 3, 2020 Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax la doonayey in maanta laga sameeyo magaalada Muqdisho ayaa la fashiliyey kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya lagu soo war-geliyey kuwaas oo kadibna qarxiyey miinada. Miinada ayaa la dhigay meel u dhow Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Gaheyr, hase yeeshee dad Shacab ah oo arkayey xilliga miinada lagu aasayey halkaas ayaa ku wargeliyey Ciidamada Dowladda, waxaana durba loosoo diray Ciidamada Booliska gaar ahaan kuwa maana Baarista. Ku dhawaad laba saac kadib, ciidamada Dowladda oo xiray halka Miinada lagu arkay ayaa ku guuleystay inay si nabad galyo ah u qarxiyaan Qaraxaas. Qaraxyada Al-Shabaab magaalada Muqdisho oo bilihii dhowaa yaraa, ayaa waxaa hadda muuqata inay dib usoo kordhayeen toddobaadyadii dhowaa. Toddobaad ka hor, qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa 28-kii May ka dhacay degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa ahaa nooca gawaarida lagu dhejiyo Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa waxaa lahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska oo lagu magacaabay Cabdishakuur Xuseen Cabdi Dhicisow oo loo yaqaan Jaabiri, iyadoo wararka ay sheegayaaan inuu halkaas ku geeriyooday. Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxaas. Share this post Link to post Share on other sites