Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Baarlamanka Puntland oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Recommended Posts

Deeq A.   
2-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Maanta kulan la qaatay Dalladda ay ku midaysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA.

Dalladda PUNSAA ayaa Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland uga mahad-celiyey soo af-jaridda kala aragti duwanaanta maamul iyo shaqo ee u dhexeysay Madaxweynaha iyo  Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland, taas oo xalliyeen Isimada Dhaqanka iyo Guddoonka Baarlamanka.

Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Daladda ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wakiillada iyo  Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoonka Golaha Baarlamanka Puntland ayaa uga mahadceliyey booqashada ay xarunta Golaha ku yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah, waxayna balanqaadeen in ay markasta soo dhaweynayaan talooyinkooda ku aadan maslaxadda dalka iyo dadka Puntland.

7.jpg?resize=1000%2C740&ssl=1 6-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 4-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 3-2.jpg?resize=1000%2C714&ssl=1 2-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1 1-4.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoonka Baarlamanka Puntland oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this