Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID 19 Oo Kor U Dhaaftay 370 Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80 qof Somaliland.

Sideed iyo toban qof (18) ayaa laga helay xanuunka, dhamaantood waa Somaliloander . Bukaanadan 10 qof waa rag, 8 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(1jir ilaa 9jir = 1 qof)
(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 6 qof)
(30jir ilaa 39jir = 3 qof)
(40jir ilaa 49jir = 2 qof)
(50jir ilaa 59jir = 2 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)
(70jir ilaa 79jir = 1 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof iyo Borama oo ah 5 qof.

Waxaa xanuunka ka bogsaday 6 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo konton (54)

Tirada guud ee dadka laga helay COVID 19 ayaa ah 376

FB_IMG_1591171391349-1.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this