Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye degmo oo ka bad-baaday isku day dil & wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah oo ka dhacay halkaasi.

Qoraal ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo ay fuliyeen dagaalyahanadooda lalal beegsaday xarunta degmada Buurdhubbo, xilli ay ku sugnaayeen mas’uulyihiin ka tirsan maamulka degmadaasi iyo saraakiil ciidan.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkan ay la damacsanyed inay ku disho guddoomiyaha Buurdhuubo Cabdulllaahi Shariif, balse uu dirqi uga bad-baaday.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay inay dib u gurteen, iyagoo nabad ah dagaalyahanadii qaaday weerarkaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa saaka degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka  gobolka Gedo oo ku aadan weerarkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this