Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Hayaan oo war ka soo saaray doorashada madaxtinimada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Hayaan ayaa kadib markii uu daraasad ka sameeyay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhici karto Soomaaliya wuxuu soo saaray Tala-soojeedin ku aaddan doorashada madaxtinimada dalka ee soo socota.

Xisbiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray kaga digay in qalalaase siyaasadeed la geliyo dalka waxaana uu ku baaqay in la qabto doorasho xor ah oo madax-bannaan islamarkaana wakhtigeeda ku qabsoonta.

Sidoo kale Xisbiga ayaa soo jeediyay in madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay gaaraan heshiis ku meel gaar ah iyagoo u danaynaya baahida loo qabo in isbeddel deg deg ah yimaado.

War-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan ayaa sidoo kale madaxda dowladda Federaalka ugu baaqay in ay ka tanaasulaan wixii mudda kororsi ah iyagoo u turaya nabadda dadka iyo dalka.

Dhinaca kale Xisbiga ayaa Beesha Caalamka ku boorriyay in ay gogosha wada-hadalka ballaariyaan oo aysan ku kooban madaxda wakhtigoodu gabaabsiga yahay.

Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Xisbiga Hayaan

HAYAANKA.jpg?fit=1000%2C1306&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Hayaan oo war ka soo saaray doorashada madaxtinimada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this