Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraalkii ka tirsanaa Al-Shabaab ‘oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmooyin la tirsan gobollada Jubbooyinka.

Saraakiil ciidan ayaa sheegay in duqeymaha ay ka kala dhaceyn degmooyinka Jilib iyo Jamaame, islamarkaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha waxa ay sheegeen in duqeynta Jilib lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay hoggaamiyihii degmadaasi,  Sheekh Abuu Basma iyo saraakiil kale.

Duqeyntan ayaa waxaa lagu soo warramayaa  inay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada DANAB oo kaashana saaxibada Soomaaliya ee ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale duqeyn kale ayaa la sheegay inay ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, wallow aan faah faahin rasmi ah weli laga helin duqeyntaas.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababarn ayaa inta badan duqeymo diyaaradeed ka fuliya deegaano iyo degmooyin dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this