Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo shaacisay in tiro sax ah aysan ka heynin Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya,Maxamed Siciid C/laahi ayaa sheegay mar uu ka hadlayey saameynta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya in tiro sax ah oo baaritaano cilmiyeysan lagu ogaaday aysan heyn dowladda federaalka Somalia

Hadalkan ayuu wasiirku ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda Shabelle, wuxuuna ka hor imaanayaa warbixino ay isla wasaaradda uu mas’uulka ka yahay si maalinla ah ula wadaagto shacabka, kuwaas oo lagu xaqiijinayo kiisaska Covid19.

Wasaarada caafimaadka ayaa kiisaska xanuunkan u kala qaada marka ay dadweynaha la wadaageyso dad uu hayo cudurka, kuwo u dhintay iyo in ka bogsootay, balse wasiir ku xigeenka caafimaadka ayaa hoosta ka xariiqay in tirada ay hoos u sii dhaceyso.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-1-soofeysane-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this