Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsade Soomaaliyeed oo jir-dil loo geystay ugu dhintay K/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwa ku ganacsada dalkaasi uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray jir-dil ay u geysteen ciidamada Booliska ee wadankaasi.

Ganacsadaha Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay, Maxamed ayaa waxaa la sheegay in xilli uu ku sugnaa magaalada Pretoria in ay Boolsika ugu tageen goobtiisa ganacsi, kadibna ay jir-dil xoogan u geysteen.

Mid ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay in sababta loo jir-dilay ay tahay in uu ka mid ahaa dadka aan u hoggaansamin bandowga lagu soo rogay magaalada, sababo la xiriira cudurka faafa ee Cronavirus, islamarkaana muwaadinka Soomaaliyeed uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray jir-dilka loo geystay.

Dhinaca kale kooxo burcad ah ayaa waxay dhaawac ugu geysteen xaafadda Uitsig ee Cape Town, muwaadin kale oo Soomaaiyeed, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismaaciil Axmed ayaa waxaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka Tygerburg, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa, iyaga oo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay haatan tahay mid wanaagsan.

Koonfur Afrika ayaa waxaa aad loogu dhibaateeyaa Soomaalida ku nool, waxaana kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay had iyo jeer u geystaan dil iyo inay boobaan hantidooda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this