Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafkii madaxda maamulka Puntland oo xal waara laga gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay in xal laga gaaray khilaafkii Madaxweynaha maamulkaasi, Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

Qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada, islamarkaana ay goob-joog ahaayeen isimada Puntland lagu go’aamiyey in meesha laga saaro kala aragtii duwanaantii u dhexeysay labadaasi mas’uul.

Halkaan hoose ka akhriso:-

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegey in la xaliyey khilaafkii ka dhex oognaa madaxda sare ee maamulkaasi.

“Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland”.

“Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka”.

“Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysaa inay ka shaqeeyaan dowladdnimada, meel ugasoo wadajeestaan cadowga, iskana ilaaliyaan waxkasta oo khalkhalgelinaya nidaamka, amniga iyo jiritaanka Puntland.”

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this