Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiiro U Dhashay Sacuudiga Oo Dhisay Golle Xukunka Ka Tuura MAXAMED BIN SALMAAN

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Nin u ololeeya arrimaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday warbixin ku saabsan golle ay sameynayaan mucaaradka Sacuudiga iyo dibad jooga siyaasadeed oo ay ku jiraan saddax xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, si awoodda looga xayuubiyo dhaxal suge Maxamed bin Salmaan.

“Golaha isku xidhka mucaaradka Sacuudiga waxaa uu ka koobanyahay 18 xubnood, oo ay ku jiraan saddax amiir. Goluhu kuma baaqin mudaaharaad ama amar diido shacbi ah iyo halgan hubeysan midna. Keliya waxaa uu ku xadidan yahay in lala xidhiidho hoggaamiyeyaasha dunida iyo guddiyadda caalamiga ah,” ayuu Abdul Rahman al-Suhaimi u sheegay Aljazeera.

Suhaimi waxaa uu intaas ku daray in baarlamaanada dalalka muslimka ah, dalalka gacanka Persia, xubnaha congress-ka Maraykanka iyo baarlamaanka Europe in arrinta la gaadhsiiyay.

Waxaa uu intaas raaciyay in goluhu uu taageerayo in Ahmed bin Abdulaziz Al Saud  uu awoodda la wareego islamarkaana uu noqdo dhaxal sugaha isagoo hiigsanaya hadaf ah in Sacuudigu uu noqdo boqortooyo dastuuri ah oo baarlamaankeeda laso doorto.

“Waxaan boqor Salmaan ugu baaqeynaa in uu wiilka booska ka saaro, uuna u magacaabo amiir Axmed bin Abdulcaziiz. 17 waddan oo muslim ah ayaa arrintaan taageeray, laakiin Boqor Salmaan ayaan ka sugeynaa in uu soo saaro,” ayuu yidhi Suhaimi.

Warkaani waxaa uu imaanayaa iyadoo ay xiran yihiin xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyadda, saaxiibadoodna waxay ololeeyeyaal saameyn leh ka shaqaaleysiiyeen Maraykanka si ay xidhiidhkooda Madaxweyne Trump ugu riixaan in la dhameeyo “Dacwad-oogista siyaasadeed” ee uu wado Maxamed bin Salmaan, xilli uu ku mashquulsan yahay la tacaalidda mashaakilka dhaqaale ee Coronavirus.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The New York Times, dad u dhow muwaadiniinta Sacuudiga ee siyaasadda u xidhan ayaa la xidhiidhay qareeno jooga Washington waxayna billaabeen olole iyo dadaal la doonayo in lagu dhameeyo cadaadiska siyaasadeed ee uu wado 34 jirka maamula boqortooyadda Sacuudiga.

Waxay rajeynayaan in ololahoodu uu keeno xaalad loo riyaaqo  oo wax ka beddeshay xaaladda xuquuqda aadana Sacuudiga  iyo xitaa in ay tallaabo qaadaan maxkamadaha caalamiga ah si loo sii daayo dadka xidhan.

Horaantii sanadkaan Maxamed bin Salmaan waxaa uu billaabay olole cusub oo uu ku xidhay xubno boqortooyadda ka tirsan kuwaas oo uu ku eedeeyay isku day afgambi oo ay xilka uga tuurayaan aabbihii.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this