Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Labaad ee ka tirsan Xukumada Somaliland Oo Shaaciyay In Laga Helay Cudurka Halista Ah Ee COVID 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii Labaad ee ka tirsan Xukumada Somaliland Oo Shaaciyay In Laga Helay Cudurka Halista Ah Ee COVID 19

 wasiir-300x148.jpg

 

Wasiirka isgaadhsiinta iyo Teknolojiyadda JSL Cabdiwali sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa shaaciyay in laga helay cudurka halista ah ee COVID 19.Wasiir Cabdiwali ayaa noqonayaa wasiirkii labaad ee Somaliland shaaciya in laga helay Covid 19.

Nuxurka Qoraal wasiirku soo saaray ayaa u dhignaa sidatan:-

“Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’.
Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda siiba dadka u nugul oo ay ka mid yihiin dadka waaweyn iyo dadka qaba xanuunada lala noolaado oo uu Covid-19 khatar ku yahay.
Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno.
Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah sida dhakhaatiirtu igula taliyeen.
Dhammaan bulshada, gaar ahaan madaxda iyo dadka magaca leh waxa aan u soo jeedinayaa in ay iska baadhaan Covid-19 si ay nafahooda iyo kuwa dadka ay jecel yihiin u badbaadiyaan, bulshadana tusaale ugu noqdaan.
Ugu dambayn, waxan mahadnaq balaadhan u jeedinayaa hawlwadeenada caafimaadka JSL oo heegan ugu jira samato bixinta dhamaan bulshada Somaliland.

Guryaha jooga
Kala fogaada
Gacmaha maydha
Taxadirku waa muhiim”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this