Sign in to follow this  
Deeq A.

Coronavirus: Somaliland oo maanta shaacisay kiisas cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaaliland ayaa maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Saf-mareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay xanuunka.

Warbixin ka soo baxday wasaaradda caafimaadka maamulkaasi ayaa siddan u qorneyd:-

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80

Lix iyo labaatan qof (26) ayaa laga helay xanuunka, 22 waa Somalilander, halka 4 qof ay udhasheen Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 7 qofna waa dumar

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48)

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this