Deeq A. Posted June 2, 2020 Somaaliland ayaa maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa cudurka Saf-mareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay xanuunka. Warbixin ka soo baxday wasaaradda caafimaadka maamulkaasi ayaa siddan u qorneyd:- Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 80 Lix iyo labaatan qof (26) ayaa laga helay xanuunka, 22 waa Somalilander, halka 4 qof ay udhasheen Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 7 qofna waa dumar Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Borama 7 qof iyo Berbera oo ah 6 qof Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideed iyo Afartan (48) View the full article Share this post Link to post Share on other sites