Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo qarax lagula eegtay Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada Hoose.

Qaraxa ayaa lala beegsaday sida dadka deegaanka ay innoo sheegeen kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo marayey halkaasi.

Sidoo kale waxaa qaraxa xigay rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada lala beegsaday, mana cada khasaaraha dadka shacabka ka soo gaaray rasaastaasi.

Dhanka kale Al-Shabaaab ayaa sheegatay qaraxan, waxaana ay baahisay in ay ku dishay ugu yaraan 2 askari sidoo kalena ay ku gubtay Gaari uuraal ah oo ay wateen ciidankaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah ku qaada ciidamada huwanta ee isaga kala goosha gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this