Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-Qoor oo shaaciyey inuu Galmudug ka bilaabayo hub aruurin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixin doono sidii maleeshiyaadka tira badan looga qaadi lahaa hubka.

Qoor-Qoor ayaa sheegay inay doonayaan in ay mideeyaan awoodda Galmudug, islamarkaana maleeshiyaad beeleedyadda ku biirin doonaan ciidanka maamulkasi.

“Galmudug maanta waxaan ka xareyneynaa hubka gacmaha Gooni goonida ah ku jira oo aan awooda Mideyneyno , awoodaasi iyo Hubkaasi waxaan ku dhalin doona Nabadeynta degaanada ka Galmudug iyo ka hortagga dagaal beeleedyada”ayuu yiri Qoor-Qoor.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in qorshahaan hub ka dhigista uu sii soconayo,si Galmudug nabadeedu u xoogeysato.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu wareejiyay maleeshiyaad iyo hubkii ay wateen, isagoo sheegay in kuwa kalana sidaas oo kale loogu wareejin doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this