Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaarigii lagu afduubtay dhalinyaradii lagu dilay Gololey oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta gacanta lagu dhigay gaari la sheegay in lagu afduubtay, ka hor inta aan la dilin dhalinyaradii dhowaan lagu laayey deegaanka Gololey oo ka tirsan degmada Balcad.

Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa qabtay gaariga oo ah kan Soomaalida ay u taqaano Hoomeyda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sidoo kale gacanta lagu dhigay darawaalkii gaariga waday, milkiilihii iyo nin kale oo la sheegay inuu gaariga u kireysnaa maaalintii uu dhacayey falkaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in loo soo gudbiyey xarunta dambi baarista CID-da.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laanta CID-da la geeyey qaar ka mid ah shaaqaalaha ka shaqeeya xarunta caafimaadka ee laga watay sideedii dhalinyarada aheyd ee la dilay, kadibna meydadkooda lagu soo dhigay tuulada Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdadii deegaanka Gololey oo loo saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo maalmo ka hor gaaray deegaankaasi, si ay ula kulmaan waxgaradka iyo dadka deegaanka intaba.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Cod-balcad-gololey-.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this