Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo ka aloosan degaanka Tukaraq

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad colaadeed ayaa saaka oo Talaado ah ka aloosan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool kadib markii ay maalmihii u dambeeyay halkaasi isku ballaarinayeen ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolkaasi Sool.

Somaliland ayaa gaadiid hubaysan soo dhoobtay jiidda u dhexaysa labada ciidan ee Puntland iyo Somaliland waxaana ay saddexdii maalmood ee u dambaysay wadday dhaq dhaqaaqyo ka duwan kuwii hore inkastoo aan weli la ogaan ujeedkooda.

Goob-joogayaal ku sugan Tukaraq ayaa soo sheegaya in Somaliland ay gaadiid hubaysan iyo ciidamo horleh ka keentay Taliska Gooja-cadde kuwaas oo gelinkii dambe ee shalay soo gaaray jiidda Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Wararku waxay intaas ku daraya in sidoo kale dhinaca Puntland ay saaka ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan xiisadda ka dhalatay ciidamada Somaliland ku soo gurayso gudaha degaanka Tukaraq.

Somaliland iyo Puntland ayaa marar hore ku dagaallamay degaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa balse mudooyinkii u dambeeyay xiriir wanaagsan ayaa ka dhexeeyay labada dhinac welina ma cadda sababta kicisay dhaq dhaqaaqyada ciidan.

PUNTLAND POST

The post Xiisad dagaal oo ka aloosan degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this