Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in uu Hub ka dhigis rasmiya ka samayn doono Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay kulan la qaatay Haweenka ku nool koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu mudnaanta kowaad siin doono hirgelinta Amniga iyo Xasiloonida Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu sheegay in si lo helo Galmudug Xasiloon ay xukuumaddiisu Hubka dhigis ku samayn doonto cid kasta oo Hub ku dhex wadata Galmudug oo aan ka tirsanayn maamulkiisa cusub.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay qaramaynayso malayshiya-beeleedyada hubaysan ee jira Galmudug isagoo tilmaamay in lagu dari doono ciidamada kala duwan ee maamulka si ay nabadda uga qayb-qaataan.

Hoos ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in uu Hub ka dhigis rasmiya ka samayn doono Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this