Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo markii u horraysay ka hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Axmed Karaash

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay Shacabka u jeediyay Khudbaddiisa billaha ee “La-hadal dadweynaha” ayaa markii u horraysay ka hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Puntland uusan ka jirin Khilaaf sharciya iyo mid siyaasiya toona, balse ay jirto kala ra’yi duwanaan la xiriirta dhanka maamulka dowladda, taasi oo sida uu sheegay ay buun-buunin ku sameeyeen dad uu ku tilmaamay cadowga Puntland.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale sheegay in kala ra’yi duwanaantaas ay ka dhalatay, isbeddelo lagu sameeyay mas’uuliyiin dowladeed, kuwaas oo ku saabsanaa dardar gelinta maamulka iyo tayaynta hay’adaha dowladda.

Mudane Deni, wuxuu sheegay in mar kasta oo isbeddelo lagu sameeyo mas’uuliyiinta dowladda ay ka dhalato kala ra’yi duwanaan maamulka dhexdiisa ah, maadaama aysan dadka oo dhan raalli gelin Karin isbeddelada yimaada.

Ha yeeshee, wuxuu tilmaamay in shuruucda iyo Dastuurka Puntland ay yihiin kuwa sugan oo aan marnaba khilaaf iyo muran gelin, isagoo xusay in cid kasta sharcigu ka sarreeyo.

Halkan ka daawo Hadalka madaxweyne Deni

PUNTLAND POST

The post Deni oo markii u horraysay ka hadlay Khilaafka u dhexeeya isaga iyo Axmed Karaash appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this