Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo duleedka Qoryooley Midigtiisii nin uga jaray kadib hal arrin oo ay ku eedeeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoryooley (Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa deegaan lagu magacaabo Doon-Buraale oo dhaca duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay goob fagaare ah gacanta Midig uga jareen nin ka tirsanaa dadka deegaanka.

Ninka ay Al-Shabaab gacantiisii midig ka jareen waxaa lagu magacaabaa Cismaan Manuurey Maxamed, waxuuna ka mid ahaa dadka ku nool deegaanka Doon-Buraale, iyagoo ku eedeeyeen in geystay fal xatooyo ah.

Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa dadkii la isugu keenay fagaaraha ninka gacanta looga jaray ka hor sheegay in Cismaan uu jabsaday dukaan ganacsi oo ku yaalla deegaanka, kaas oo sida uu sheegay uu ka qaatay lacag dhan lix malyan oo Shilin Soomaali ah.

Maalin ka hor Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla duleedka isla degmadan Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku dileen nin oday ahaa.

Ninkaas ay dileen Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar ayaa ahaa 50-sano jir, waxayna ku eedeeyeen in uu ahaa saaxir shantii sano ee lasoo dhaafay.

Marar badan ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab, waxay siyaabo kala duwan deegaanada ay maamulaan uga fuliyeen xukuno ay u badan tahay toogasho, waxayna dadkaas badankood u soo jeediyaan eedo ay ka mid tahay basaasnimo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this