Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Qalab Caafimaad oo Looga Hortago COVID-19 Gaarsiisay Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo ayaa la wareegay gargaar caafimaad oo ay Dowladda Federalka ugu talagashay ka hortagga faafidda cudurka safmarka ee COVID-19 oo ay ku wareejiyeen mas’uuliyiin ka socotay xafiiska Ra’iisalwasaare Kheyre iyo Wasaaradda Caafimaad oo maanta gaaray magaaladaasi.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaarey iyo Wafdiga ka socday dowladda federaalka ayaa kormeer ku tegay Isbitaalka Guud ee magaalada si ay u ogaadaan xaaladaha dhabta ah ee magaalada Garbahaarey ka jirto.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi ayaa dowlada federalka Soomaaliya uga mahadceliyay deeqdan caafimaad ee maanta la soo gaarsiiyay oo loogu talagalay ka hortagga faafidda cudurka COVID-19, isagoo intaa ku daray inay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay agabka la soo gaarsiiyay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this