Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Karaash oo Maalinta Berriya lagu wada-hadal siinayo Madaxtooyada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Puntland Post, ayaa xog faahfaahsan ka heshay Kulan saacado qaatay, oo Maanta Xarunta Madaxtooyada Puntland ku dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimadii dhex-dhexaadinayay isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Kulanka oo ku bilowday, Qado Sharaf Madaxweynuhu u sameeyay Isimadii dhex-dhexaadinta, oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka, ayaa soo geba-gaboobay casar liiqi Galabta, sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo ku sugan Madaxtooyada Garoowe.

Madaxweyne Deni, ayaa Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka uga warramay, Arrimaha ay ku muransan yihiin isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka, oo ku salaysan Awoodaha Dastuurku siinayo mid kasta iyo sida ay tahay in loo wada ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka.

Mudane Deni, ayaa sheegay in uu ixtiraam la’aan ka tirsanayo Madaxweyne ku xigeenka, taasi oo ay dheertay ku xad-gudubka Dastuurka iyo Nidaamka Dowladiga ah, oo ay waajib tahay  in la wada-ilaaliyo, xataa haddii khilaaf kasta jiro.

Deni ayaa tusaale u soo qaatay, Dikreetooyin ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka, oo sida uu sheegay Xad-gudub iyo Fowdo ku ahaa Nidaamka Dowliga ah, isagoo xusay in aysan Dastuurka iyo Shuruucda meelna ka soo gelin in Dikreeto Madaxweyne uu buriyo Madaxweyne ku xigeen.

Kadib markii uu Hadalkiisa dhammaystay, ayay Isimadu Madaxweyne Deni ku war-geliyeen, in ay Maalinta Berri Xarunta Madaxtooyada ku wada-hadal siin  doonaan isaga iyo Madaxweyne Ku xigeenka, si loo dhammeeyo Khilaafkooda.

Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka, ayaa markii ay Madaxtooyada ka baxeen sii maray Guriga Madaxweyne ku xigeena, waxaana ay u sheegeen in uu Maalinta Berriya yimaado Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo lagu wada-hadalsiin doono isaga iyo Madaxweyne Deni.

Deni iyo Axmed Karaash, ayaa labaduba aqbalay Kulanka Isimadu soo jeediyeen, waxaana ay caddeeyeen in ay ku qanci doonaan wixii Isimadu go’aamiyaan.

PUNTLAND POST

The post Deni iyo Karaash oo Maalinta Berriya lagu wada-hadal siinayo Madaxtooyada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this