Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali ku xayirneyd Uganda oo dalka dib loogu soo celiyey

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsanaa dalka Uganda, tan iyo markii uu caalamka kala xir-xiray xanuunka safmarka ah ee Coronavirus, islamarkaana hakiyay duulimaadyadii isaga kala kooshi jiray caalamka.

Muwaadiniinta oo tiradooda ay gaareysay 84 qof ayaa waxaa u badnaa arday wax ka baraneysay Jaamacadaha Uganda, iyadoo safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ay gacan weyn ka geysatay in muwaadiniintan dib loogu soo celiyo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, kaddib markii ay dadkaasi safaaradda u gudbiyeen codsi ah in loo fududeeyo in dalka dib loogu soo celiyo, iyadoo safaaraddu ay ka jawaabtay dalabka muwaadiniintaas.

84-ka qof ee maanta dib loogu soo celiyay Soomaaliya ayaa dhamaantood la hubiyay bad-qabkooda caafimaad, si gaar ah feyruska Karoona, ka hor inta aysan soo safrin.

Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa sido kale haatan wadda dadaalo dib looga celinayo muwaadiniinta kale oo ku xaniban gudaha wadankaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this