Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo shatiga duulimaad kala laabatay shirkado Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa liisankii duulimaadka ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.

Dowladda Somaaliya ayaa ku eedeysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dowladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen VOA.

Sararaakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah.

Sidaasi oo kale, dowladda Soomaaliya waxay liisankii duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharcidarro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay soo rogtay dowladda Soomaaliya cudurka COVID-19 dartiis.

Ilo wareedku waxay intaasi ku dareen in diyaarad ay leedahay shirkaddaasi ay 31-kii May ka degtay magaalada Jowhar oo ay gaysay shixnad qaad ah iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay siddo daawo.

Dowladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dawladda Somaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this