Cowke Posted June 20, 2010 JUURILE:-Xaflad Siweyn Loo Soo Agaasimay oo Lagu Maamuusaayey Maalinta Carruurta Africa oo Ku Beegnayd 16-ka June oo Kadhacday Magaaalada Qardho+Sawirro. Munaasabad aad u balaaran oo lagu maamuusaayey maalinta carruurta Africa oo ah maalin si weyn looga xuso guud ahaanba Qaaradda Africa oo ku beegan 16-ka Bisha June ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Alla Aamin ee Magaalada Qardho. Xafladda oo ahayd mid aad u balaaran ayaa waxaa hoggaankeeda lahaa Ururo dhalinyaro oo kala tirsan Iskuulada Waxbarashada ee Magaalada Qardho sida Iskuulada Qardho Primary School, Haji-Aadan Primary and Intermediate School, Imaamu Al nawawi Primery , Intermediate and Secondary School, Kubo Primary and Intermediate School iyo Horgoble Primary School. Sidoo kale xafladda ayaa waxaa soo abaabulay Naadiyada Barnaamijka Iskaashiga, Horumarka iyo Waxbarashada ee Child-to-child Approach (CTC), waxaana maalgelinteeda iyo qaban qaabada guud iska kaashaday Ururka Wadtashiga Ardayda Puntland ee PCSA iyo Hay'adda UNICEF. Munaasabadda ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin kasocday Dawladda Puntland, Bulshaweynta ku dhaqan Magaalada Qardho kuwaas oo ay ugu horeeyaan Madaxda Gobalka Kar kaar kuwa Degmada Qardho, Guddoomiyaha waxbarashda Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye (DEO), Kormeeraha Waxbarashada Gobalka Kar Kaar Mr.Ahmed Mohamed Nuur (Xulluu), Agaasimaha Waxbarashada tooska ah ee Dawladda Puntland Mr.Mohamed Isma`il Finiin, Guddoomiyaha Ururka Wadatashiga ardayda Puntland ee PSCA C/risaaq Xiddig Warsame iyo marti sharaf kale. Dhamaan marti sharaftii hadalada ka jeedisay xarunta xafladdu ka dhacday ayaa waxa ay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay daryeelka iyo taageerada carruur yar iyaga oo isku raacay in laga taageero carruurta dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka guud. Guddoomiyaha Ururka waxbarashada Degmada Qardho oo loo soo gaabiyey DEO Siciid Maxamed Faahiye oo kamid ahaa masuuliyiintii xafladda kasoo qayb gashay ayaa waxa uu dhamaan ugu baaqay waalidiinta in ay ila mahooda xil weyn iska saaraan isaga oo intaasi ku daray in waxbarashada wanaagsan iyo caafimaadka ilmaha oo lahaagijiyo ay wax badan ka qabato daryeelka ilmaha yar. Agaasimaha waxbarashada tooska ah ee Deegaanada Puntland Mr.Mohamed Ismaa'iil Finiin oo isna hadalo ka jeediyey munaasabadda maalinta carruurta Africa ee ka dhacday Magaalada Qardho ayaa waxa uu wax badan ka iftiimiyey daryeelka carruurta isaga oo ugu baaqay waalidiinta in ay isu xilsaaraan daryeelka ila mahooda isla markaana ay simaan carruurtooda, sidoo kale Kormeeraha waxbarashada ee Gobolka Kar Kaar Mr.Ahmed Mohamed Nuur "Xulluu" ayaa waxa uu tilmaamay in carruurta yar yari ay daryeel iyo gar gaarba ka sugayso waalidiintooda sidaasi darteedna loo baahan yahay in ay waalidiintu arrintaasi gartaan ayna siwanaagsan u daryeelaan carruurooda. Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Wadatashiga ardayda Puntland ee Puntland Students Consultancy Association(PSCA) C/risaaq Xidig Warsame ayaa waxa uu munaasabadda kasoo jeediyey hadalo aad u qiimo badan oo ku aadan daryeelka carruurta isaga oo goobta ka faah faahiyey cidda looga baahan yahay daryeelka carruurta, Mr Xidig ayaa waxa madasha ku sharraxay u jeedada xafladda waxaana uu ku tilmamaay in ay tahay mid lagu xusaayo maalinta carruurta Arica waxaana uu ku sheegay 16-ka June maalin qiimo badan ugu fadhida dhallaanka Africa. "Sida aad wada og tihiin xafladdan waxa ay daba joogtaa xafladahii hore ee lagu maamuusi jiray maalinta dhallaanka Africa, sanad kasta waxa uu leeyahay halku dhig u gaar ahaa, haddaan idiin sharraxo halkudhigii sanadkii tegay ee 2009-ka waxa uu ahaa Africa waa meel u wanaagsan carruurta (Africa Fit for children), halka sanadkan uu ka yahay "Qorshaynta iyo kharash garaynta carruurteenu waa mid kamid ah masuuliyadeena gaarka ah" (Planning and budgeting for our children is our collective responsibility), sidaasi darteed waxaan filaynaa kuna rajo wey nahay in aan horumar weyn ka gaarno haddii Alle idmo", sidaasi ayaa waxaa yiri Guddoomiyaha Ururka Wadatashiga ardayda Puntland ee PSCA C/risaaq Xidig Warsame. Intii ay socotay munaasabadda maalinta carruurta Africa ayaa waxaa ay goobta kusoo bandhigeen ardaydii ka qayb qaadnaysay xafladda ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay riwaayado ka turjumaaya Carruurta Africa iyo xuska loogu sameeyey Magaalada Qardh isla markaana waxaa goobta laga qaaday heeso loogu talagalay maalinta carruurta Africa, iyadoo dhaamaan dadkii xafladda kasoo qayb galay ay ahaayeen kuwo aad ugu faraxsan sida ay u dhacday munaasabadda iyo gar gaarida carruurta Africa. Sikastaba xafladdan loogu talagalay maalinta carruurta Africa ee lagu qabtay Hotelka Alla Aamin ee Magaalada Qardho ayaa waxa ay kusoo gaba gabowday jawi wanaagsan iyi sidii loogu talagalay. Cismaan Saalax Ismaaciil Cis_ma@hotmail.com Bossaso Puntland Somalia Juurile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hales Posted June 20, 2010 Masha'allah for these Productive events. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted June 20, 2010 MANSHA'ALLAH! MANSHA'ALLAH! MAAAANSHA'ALLAH! Allaha usiyaadiyo... Quote Share this post Link to post Share on other sites
chubacka Posted June 20, 2010 MarshAllah indeed, may Allah help them make a positive difference. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hales Posted June 20, 2010 Masha'allah Mansha'Allah MarshAllah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abaay Heylay Posted June 21, 2010 doube Masha'ALLAH Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juxa Posted June 21, 2010 triple maasha allah, let me say well done reer qardho before sayid arrives Quote Share this post Link to post Share on other sites