Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xiiso leh:Fariin uu Facebook ku qoray nin jooga baadiyaha Kenya oo dood kulul ka dhalisay Gudaha Dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Fariin uu Facebook ku qoray nin jooga baadiyaha Kenya oo dood kulul ka dhalisay Gudaha Dalka Maraykanka

 alex.jpg

THEY ARE THREATENING TO BURN DOWN THE WHITE HOUSE!

We must Protect President Trump and his Administration. All threats must be taken seriously.

Please RT to inform the FBI, Secret Service and the CIA .@FBI @CIA @SecretService pic.twitter.com/7Wbvwsmd4k

— Terrence K. Williams (@w_terrence) May 29, 2020

Fariin uu barta Facebook ku qoray Alex Ndiritu, oo ka soo jeeda magaalada Nyeri ee dalka Kenya ayaa dood kulul dhalisay Maraykanka.

Alex ayaa muuqaal si toos ah looga baahinayay barta Facebook ku reebay fariin ah in dibaxayaasha ku sugan Maraykanka ay “gubaan aqalka cad ee Maraykanka”.

Fariintan ayaa hadal hayn ka bilawday baraha bulshada iyada oo muwaadiniinta Maraykanka ay la wadaagayeen FBI-da iyo CIA.

Booliiska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay magaalooyiin ku yaalla dalka Mareykanka, xilli ay sii xoogaysanayan dibadbaxyada caradii ka dhalatay dilkii ninkii madowga ahaa, George Floyd.

Waxaa foodda is daray dibadbaxayaasha iyo booliiska magaalooyiinka, New York, Chicago, Atlanta, Philadelphia iyo Los Angeles.

Booliiska ku sugan goobaha ka xeeran aqalka cad ee ku yaalla magaalada Washington ayaa suntan dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaal tuurayay dhagxaan.

Ku dhawaad 40 magaalo ayaa Bandow lagu soo rogay, balse dibadbaxayaal badan ayaa bandowga iska indha-tiray taasi oo keentay in booliiska ay isku dhacaan.

I need state protection, this is drect intimidation https://t.co/m5CL4dtJ9h

— Alex G ndiritu (@alexx_ndirituu) May 30, 2020

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this