Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada DF oo dil ka geystay M/ Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Askari Boolis ah oo ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan isgoyska Siinaay dhanka degmada Yaaqshiid ayaa la sheegay in maanta uu dil u geystay wiil dhalinyaro ahaa.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Abuukar Tuuryare ayaa lagu soo warramayaa in subaxnimo uu ka soo baxay hoygiisa, islamarkaana uu sagootinayey qof ehelkiisa ah oo safar ahaa, hayeeshee la dilay .

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka uu dilka u dhacay, waxaana qaarkood ay sheegayaan in shaki loo dilay, halka kuwa kalena ay ku warramayaan in marxuumka iyo askariga ay wada murmeen, kadibna sidaasi lagu toogtay.

Dhinaca kale taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, General Cabdiraxmaan Maxamed (Tuuryare) ayaa ka hadlay dilkaasi oo wiilka loo geystay ay ilmo adeero ahaayeen, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Genaral Tuuryare soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in geerida Maxamed ay u xanuunjisay sida curadkiisa oo dhintay kale.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay marxuumka oo dhalinyaro ahaa uu isagu soo bar-baariyey, islamarkaana uu qorshihiisu ahaa in sanadkaan uu bilaabo Jaamacadda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in marxuumka ay dishay gacan ka xaq-daran oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this