Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamada Somaliland ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Tukaraq oo ah aag ay isku hor-fadhiyaan ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada milatariga Somaliland oo wata gaadiidka dagaalka lagu arkayo halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad ukacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu dagaal ka qarxo deegaanka Tukaraq, gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this