Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Jabuuti oo deeq raashin ah gaarsiisay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jabuuti oo ciidamo fara badan ay ka joogaan gobolka Hiiraan ayaa maanta waxa ay deeq raashin ah gaarsiisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo loogu talo-galay dadka uu saameeyay fataahada webiga Shabelle ee mara magaaladaasi.

Deeqdaan oo dhan 90 tan ayaa dowladda Jabuuti waxa ay u soo wakiilatay saraakiil ka tirsan ciidamada Hiil-Walaal, waxaana lagu wareejiyay Madaxweynaha Hir-Shabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare.

Korneyl Maxamed Barqad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal oo loo soo wakiishay raashiinkan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Waare iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, iyaga oo ka wada-hadlay sidii lagu gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaada Beledweyne.

Dhankiisa Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti kaga mahadceliyey, sida ay u garab taagan yihiin dadka reer Hiiraan, isaga oo sheegay in ciidamada Jabuuti ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan.

Deeqdaan ayaa waxaa ay ku soo aadeysaa, xilli weli aysan helin wax gurmad ah dadkii dhowana u barakacay deegaanka Ceeljaale ee gobolka Hiiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this