Deeq A. Posted June 1, 2020 Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed C/raxmaan Khayre, ahna xubin ka tirsan guddiga xaqiiqo raadinta ee loo saaray falkii dhowaan lagu laayey dhalinyaradii ku sugneyd deegaanka Gololey ayaa ka warbixiyey halka uu marayo baaritaanka ay wadaan. Maxamed C/raxmaan Khayre oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo baaritaankooda, islamarkaana ay la kulmeen waxgaradka deegaanka. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan ka hari doonin dadkii ka dambeeyey falkaasi, islamarkaana ay soo taagi doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan. Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-safa-wasiirka-amniga.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites