Deeq A. Posted June 1, 2020 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo isimada dhex-dhexaadinaya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan si loo xalliyo khilaafka ku salaysan Awoodaha Dastuuriga ah ee u dhexeeya labada mas’uul. Isimada iyo Madaxweyne Deni oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamanka ayaa Duhurnimada Maanta isku wareysan doona Kulan Qado ah kaasi oo Madaxweynaha looga fadhiyo in uu kaga xog-waramo Arrimaha dhaliyay Khilaafka isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka si loo dhex-dhexaadiyo. Isimada iyo Gudoonka Baarlamanka ayaa Sabtidii la kulmay Madaxweyne ku xigeen Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash waxaana ay ka wareysteen Arrimaha ay isku maan-dhaafsan yihiin isaga iyo Madaxweyne Deni. Waxaase jirtay in laba jeer oo Isimadu doonayeen in ay la kulmaan Madaxweyne Deni ay suurta-geli wayday islamarkaana Maanta oo Isniin ah Madaxweynuhu ballan-qaaday in uu la kulmi doono Isimada iyo Guddoonka Baarlamanka si Madaxweynaha markiisa loo dhegaysto. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay dhex-dhexaadinta Deni iyo Karaash appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites